Prof Ibraahin Muuse Heerow oo kasoo horjeestey kala Goynta 6daGobol ee KG Soomaaliya.

0
197

prof. Ibraahin Muuse Heerow Oo ka mid ah Aqoonyahan  ka soojeedo  Gobolada KG soomaaliya  isla markaana ah raga sida weyn u taagyeersan  dhisida maamulka gobolada koonfur Galbeed somaliya ayaa waxa uu sheegay in maamulka deegaanadaasi kaga dhisayo uu yahay mid dadka deegaanadaasi ay ku doonayaan in ay isku maamulaan .

Heerow oo la hadley qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay taageersan yahay shirka ka socda magaalada Baydhabojanaay  uuna doonayo in shirkaasi uu ka soo Baxo Maamul loo sameeyo Lex Gobol oo uu sheegay in ay ka mid yihiin Jubada Hoose ,Jubada Dhexe , Baay , Bakool , Gedo iyo Shabeelaha Hoose .

Aqoonyahan heerow ayaa waxa uu sheegay in qaar ka mid ah Baarlamaanka soomaaliya oo Deegaanadaasi ka soo jeeda ay soo jeediyeen in maamul loo sameeyo Saddex Gobol ayna Fikirkooda ahayd waxa uuna sheegay in arintaasi laga diiday xildhibaano uu ka midyahay Shariif xasan shiikh Aadan.

aqoon yahan Heerow ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqey in ay yihiin 6da gobol ee KG soomaaliya kuwo lama taabtan ah in kala gooyo.

hadalkan ayaa imaaney xilli shirka maamul u sameynta Gobolo ku yaalla koonfurta soomaaliya uu ka soconaayo baydhabo uu marahayo ,meel fiican , isla markaana isa sii taraayo taagyeeradiis.

prof-Heerow-290x185

Xasan Bashaa, Idale News Online ,Xafiiska warqadka KG Soomaaliya.