Odayaasha Dhaqanka Ee Beesha Hubeer Oo Fariin Deg Deg Ah U Direy Shirkada Isgaarsiinta Ee Hormuud Telecom

0
276

Wanleweyn(INO)-Anagoo ah Odayaaasha  Beesha Hubeer ee ku nool Degmada Wanleweyn Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

beesha hubeer

Waxaan Fariin Deg Deg ah u direynaa Madaxda & Dhamaan Saami laydashirkada Isgaarsiinta Ee Hormuud Telecom.

Hadaan nahay odoyaasha Dhaqanka Ee beesha Hubeer waxaan ka cabanaynaa in Shirkada ay Dhul ay Beesha Hubeer leedahay oo ku yaalay Degmada Wanle Wayn gaar ahaan Deegaanka DAARUSALLAAM ee ay Beesha Hubeer sida gaarka ah uleedahay oo ay rabaan in ay ka dhistaan Xarumo gaar ah.

Shirkada Hormuud  Telcom waxaan ku naqaanaa in ay tahay shirkad ka dhaxeysa Shacabka waxaana ognahay in ay tahay shirkadaha ugu waa weyn ee kajira  dalka Soomaaliya, balse waxaan ka soo horjeednaa inshirkada ay ku tomato Masiirka beesha Hubeer.

Waxaa jira dad ay awood u addeegsanyso oo si ay dhulkaasi u
xallaalayso waana ka soo horjeednaa hadaan nahay odayaasha beesha
hubeer ee ku dhaqan Caalamka oo dhan, mana aqbalayno waxa ay nagu wadomana u dulqaadanayno.

waxaa jira in Dhulkaasi ay sida sharci darada ku iibsatay in aysan
aqbalaynin Beesha  Hubeer oo ay si cad ugu soo horjeeddo.

Waxaa jirta Odayaal loo sheegtay awood oo la xiray iyagoo kasoo horjeeday arintan.

Hadaba Dhamaan Odayaasha & Culumaaudiinka Beesha Dhalinyarada waxa ay baaq u dirayaan Shirkada Hormuud hadeysan go,aankan ka laaban oo ay oddayaasha si deg deg kusoo deyn Beesha waxa ay qaadi doontaa Tallaabo. sharci oo deg deg ah.

Waxaana  Maanta Fariintan Deg Deg Ah  Soo Saarey:-

  •  Nabadoon sheikh Axmed Maxamed Maxamuud
  • Maxamed Abukar Cali
  • Cali Xasan Macalim
  •  Iriboow Maxamed Shangaalle.

Wabilaahi Towtiiq.

Idale News Online, Wanleweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here