Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolada Koofur Galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa Eedeen Dusha oga tuuray Dowladda Federalka Soomaaliya.
Odayaasha Baydhabo oo Dowladda FS eedeeyey Qaar ka mid ah Waxgaradka oo Magaalada Baydhabo wariyaasha kula hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka hadalkii dhawaan kasoo baxay ee ay ku Diiday Maamulka Lixda Gobol ee Madoobe Nuunoow uu Madaxweynaha ka yahay uu ahaa mid aan u qalmin Dadka Dhistay Maamulkaasi.
Suldaan Garaad Cali Mayoow oo u hadlay Odayaasha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka danbeeyso Siyaasadaha ka jira Magaalada Baydhabo oo ay dooneeyso in aysan Dadka Dhisan wax Maamul ah.
“Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed waxaa la Aas aasay 1996-kii,intaas wuu soo jiitamayey,laakiin Nasiib wanaag hada waa la dhisay oo Madaxweyne ayaa Lixdaas Gobol loo magacaabay”ayuu yiri Garaad.
Dhawaan ayey aheyd Markii Ergooyinkii ku Shirsanaa Magaalada Baydhabo ay Doorteen Madaxweyne Madoobe Nuunoow ,Maamulkaas oo ka talindoona Lixda Gobol ee Koofur Galbeed ee Dalka Soomaaliya.
Idale news Online.