Allaha u naxariistee Nuur Cabdi Xaaji oo loo yaqaanay (Shaarkey) kana mid ahaa xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Nuur Cabdi Xaaji (Shaarkey) uu geeriyooday waxaana isla galabta lagu aasay magaalada Muqdisho.
Xiriirka kubadda cagta ayaa sheegay in halyeygan isborti uu u geeriyooday wadno xanuun ku soo booday.
Allaha u naxariistee Shaarkey waxa uu ahaa ciyaaryahan si aad u ah uga dhex muuqday xulka Qaranka Dalkeenna laga soo bilaabo dhamaadkii sanadkii 1970kii ilaa 1980kii,isaga oo si aad ah uga dhex muuqday horyaalka dalka iyo ciyaaraha uu xulka Qaranka Soomaaliya ku aadi jiray dalka dibaddiisa.
Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka naxeen geerida halyeeygan ispoorti,islamarkaana bahweynta isboorti uu ka baxay halyeey isboorti.
Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Saciid Guuleed Rooble ayaa allaha u naxariistee geerida Shaarkey uga tacsiyadeeyay xaaskiisa, caruurtiisa iyo qaraabadiisa.
Saciid Guuleed Rooble oo isna ka mid ahaa ciyaartooydii caanka ahaa ee dalka sanadkii 1970kii ayaa sheegay in geerida Shaarkeey ay tahay mid laga naxo.
Buug tacsi ah ayaa laga furay xarunta xiriirka kubadda cagta ee Dalkeenna waxaana saxiixaya saaxiibadiis,ciyaartooyda iyo taageerayaasha.