Nin Soomaali ah oo noqdey Afrikaankii ugu horeeyey ee madax ka noqda Red Cross

0
186

nin soomaali

Cabaas Guuleed ayaa loo doortey ku xigeenka xoghayaha guud ee ururweynaha caalamiga ah ee Istalaabta Cas ama Red Cross ee gargaarka qaabilsan.

Wuxuu noqonayaa qofkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah oo xil darajadan ah qabta.

Guuleed oo agoonimo kusoo korey, islamarkaasina ay soo korsadeen qoys magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxa uu soo maray nolol aad u liidata, iyada oo ay u suuroobi weysey in uu jaamacada kaga boxo xirfaddii dhaqtarnimo ee uu ku riyoon jirey.

“Markii aan dugsiga sare dhiganayay ayaa waxaa nala bari jirey gargaarka degdega ah, Red Cross waxa ay ahayd labada hey’adood ee kaliya ee arrintaasi naga caawin jirey, halkaas ayayna ka bilaabatay xiriirka aan la leeyahay maanta” ayuu yiri isaga oo fadhiya xafiiskiisa.

Wuxuu Red Cross oga soo shaqeeyey wadamada kala ah South Africa, Malawi, Tanzania, Uganda, Sudan, Kenya, Fiji Islands iyo Switzerland.

“Markii aan yaraa waxaan jeclaan jirey in aan dhaqtar noqdo si la mid ah riyada nin yar oo kasta, laakiin taasi iima suurogalin, maanan noqonin dhaqtar, laakiin maanta riyadeydii waa ii dhaboowdey, waxaanan madax ka ah mid ka mid ah hey’ada aduunka ugu waaweyn ee bixiya gargaarka caafimaad” ayuu yiri Guuleed.

Waxa uu madax ka noqdey Red Cross Kenya, oo leh shaqaalo dhan 800 iyo 7 kun oo mutadhawiciin ah, kuwaasi oo la tacaala masiibooyinka dabiiciga ah ee Kenya ka dhaca.

Waa hogaamiye aaminsan isku madaxbanaanida dadlalka Afrikaanka ah iyo in isku filnaansho ay gaaraan.

“abaartii waxa ahayd mid aad u adag, mana loo gagsan karo in aad fiirsatid dad gaajo sariirta ola korey, iyadoo Kenya ay leedahay kheeyraad, waxaa haboon in gargaarka lagu badalo maalgashi” ayuu yiri Cabaas Guuleed.

Idale News Muqdisho