Nicholas Kay oo taageeray Caleemo saarka Madaxweyne Shariif Xasan

0
200

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleema-saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu caleema-saaray hogaanka Maamulka dhowaan la dhisay ee Kumeel gaarka ee Koonfur Galbeed, Isagoo ka hadlay xaflada lagu qabtay magaalada Beydhaba ayuu Kay yiri,

nicholas-kay

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan caleema-saarka la caleema saaray, tanina maanta waa talaabo muhiim ah oo horey loogu qaaday xaga dhismaha Soomaaliya ee  federaalka ah, mideysan oo xoog leh sida laga dheehanayo Aragtida 2016”.

Waxaan soo dhoweynayaa muhiimada la siiyay ka-wada-qeybgalka iyo dib-u-heshiisiinta dhamaan dadka dega deegaanada maamulkani  waxaana ku boorinayaa dhamaan dadka arrintu khuseyso in ay sii wadaan dadaalladaas.

“Dhisidda maamulkani waxay wadada u sii fureysaa dadaalada lagu dhisayo maamul shaqeeyo oo awood u leh in uu gaarsiiyo bulshada deegaanka adeegyada aadka loogu baahanyahay,” ayuu yiri Necholas Kay. “Waxaan rajeynayaa in la dhiso hay’ado loo wada dhanyahay oo ay qeyb ka yihiin kuna jiraan haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badanyahay,”

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya  iyo maamul goboleedyada kale ee ku meelgaarka ah waxay leeyihiin dowr muhiim ah oo ay uga qeyb qaataan dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Kumeelgaarka ah, waxaana kamid ah diyaarinta doorashooyin iyo sameynta nidaam federaal ah, iyo weliba hirgelinta Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, Waxaan mar kale ku celinayaa ballan qaadka adag ee Qaramada Midoobay ee ku aadan taageerada howlahaan iyo in la caawiyo dhismaha nabada, xasillooni, iyo barwaaqo ay gaarto Soomaaliya iyo gobolka.”

        ——DHAMMAAD-

Idale News Online, Muqdisho