Nabad Doonada Gobolka Hiiraan ayaa kasoo hor jeestay Guddi ay Xukuumaddu usaartay in ay soo Xalliyaan Colaad Beeleedka ka Taagan Deefoow, kuwaa oo dad Badani ku dhinteen kuwo ku dhaawacmeen qaar Kalena ku qasbay in ay Guryahodoa ka Cararaan.
Maxamed Cabdi oo ka mid ah Nabad Doonada ayaa sheegaya in Gudiga ay Arbacadii ay Xukuumaddu u saartay Colaadda Gobolkaas, yihiin dad aan Deegaanka ahayn kana soo Horjeedaan in Nabad laga gaaro deegaanka Dagaalladu kusoo laalaabteen ee Deefooe.
“Shaqo kuma laha Gudiga ay Xukuumaddu sameysay Hiiraan, waayo maahan dadkii Gobolka u dhashay, Xukuumaddu Guddiga ay soo direyso waa in ay Ogaataa Waxa ay dadku kala Tabanayaan in ay Yaqaanaan iyo in kale, maaha kaliya Orda oo Xalka keena” ayuu Hadalkiisa raaciyay Maxamed Cabdi.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Dhowaan waxaa uu Xukuumadda ka Codsaday in ay soo kala dhex Gadho Beelaha wada dega Deefoow, kuwaa oo dhul isku Heysta Muddo dheer, Dagaalkooduna uu Khasaaro Xooggan dhaliyay intii ay Dirirayeen.
Idale News Online, Muqdisho