Shir ballaaran oo maanta ka dhacay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa soo xaadiray dhammaanba guddoomiyaha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir,waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo u badna xaaladda ka jirta Muqdisho.
Kulanka sidoo kale waxaa uu la xiriiray sidii ay isku baran-lahaayeen guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo guddoomiyasha degmooyinka gobolka.
Guddoomiye Muungaab oo hadal ka jeediyey shirka waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay kulankiisi ugu horreeyey inuu la qaato guddoomiyaasha gobolka Banaadir,waxaana uu inta ku daray in xilligaan ay howlo-badan hayan guddoomiyaha,isagoona ku booriyey inay sii laba jiraaban howsha ay u hayaan shacabka Muqdisho.
“Waan idin kaga mahad-celinaya kulankan an dhammaantid ka soo qeyb-gashey,waxaan runti qirsanahay in shacabka Muqdisho ad u haysan howlbadan,waxaana idin kula dar-daarmaya inay sii laba jibartan howsha ad heysan si meesha ay ugu baxdo dhibaatoyinka la soo gudboonada shacabka,”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku soo qaaday guddoomiye Muungaab,in xilligaan ay doonayan in hormar laga gaaro dhammaanba caqabadaha hortaagan nabadda iyo hormarka magaalada Muqdisho,waxaana uu inta raaciyey in maamulka gobolka aysan xilligaan u qorsheysneyn haba yaraate iney badalaan shaqaalaha hada shaqeynaya ee horay ujoogay gobolka Banaadir ama dagmooyinka, marka laga reebo cidii shaqada loo igmada ka soo bixi weysa.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in shirar gaar gaar ah uu la qaadan doonno dhawaan dhammaanba guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir,isagoona inta raaciyey in loo bahan yahay sidii loo sugi laha amniga Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa maamulka gobolka Banaadir uu dar-dar galinaya howlihi bixinta kaararka aqoonsiga muwaadinimada,waxaana la sheegay waqtigaan in lugu soo kordhiyey adeegyo cusub iyo xafiis cabashada dadweynaha ah kaasoo la rajeynayo in baahida iyo cabashada dadweynaha uu wax weyn ka qaban doono.
Idale news online.