Baydhabo (INO) – Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Cusub ee Somalia ayaa la filaayaa inuu dhowaan shaaciyo inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya, doorashada la filaayo in dhamaadka sanadkaan ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.
Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen ayaa la filaayaa in marka xildhibaanada la dhaariyo ka dib uu warbaahinta u xaqiijiyo inuu u tartamaayo xilka Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Somalia, waxayna musharaxnimadiisa ku soo beegmeysaa xili dadka Soomaaliyeed si aad ah u hadal hayaan inuu yimaado sanadkaan isbedel siyaasadeed oo hogaanka golayaasha xukuumada, golaha sharci dejinta iyo weliba Madaxtooyadaba. Iyadoo sidoo kalena dalalka taageera Soomaaliya iyo guud ahaan beesha caalamkuba si aad ah u daneynayaan in sanadkaan isbedel hogaan oo ka duwan kuwii hore yimaado, isla markaasna dalka iyo dadkaba u horseeda deganaan siyaasadeed, nabadgelyo, horumar baahsan iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.
Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen oo taageero badan ka haysta inta badan beeshiisa iyo beelaha kale sida Digil & Mirifle, Beelaha Direed, beesha 5aad iyo siyaasiyiin kale oo Muqdisho ka soo jeeda oo iyagu rabo in mar un ay arkaan isbedel siyaasadeed & Doorasho hal qof iyo hal cod ah, ayaa rajo wayn ka qaba inuu ku guuleysto xilka gudoomiayaha Barlamaanka Somalia oo dorashadiisu ay maalmo kooban oo 40 cisho ka yar naga xigaan.
Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen waa rug-cadaa siyaasi ah oo saameyn weyna ku leh siyaasada Somalia, isla markaasna soo qabtey xilal badan sida R/Wasaare Ku xigeen iyo xilal wasaaradeed oo dowladii federaalka iyo kuwii ku meelka ahaa ee dalka soo marey.
Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen ayaa dhowaan si fudud uga soo guuleystey musharaxiintii kula tartameysey kursiga beeshiisa ee aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, doorasho ka dhacey magaalada Baydhabo, isagoo ka soo galey degmada Ceelberde ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia. Xildhibaanku waa siyaasi magac weyn ku leh deegaano badan oo dalka Soomaaliya si gaar ahna xiriir dhow ula leh maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland iyo maamulada kale ee dalka Soomaaliya.
TAARIIKH NOLOLEEDKA Musharaxa Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia Xildhibaan Ugaas Xuseen dhowaan ayaan idiin soo gudbin doonaa.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo, Somalia.