Muranka u dhexeeya Madaxda DF ayaa sare u kacay, kadib markii Ra’iisul Wasaare Saacid uu ku adkeystay inuusan xilka ka degi doonin, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay in khilaafka jira loo bandhigo Baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa dhankiisa dadaal xoogan ugu jira sidii uu uga dhaadhicin lahaa Xildhibaanada inay kalsoonida kala laabtaan Xukuumada uu horkacayo Saacid.
“Arinta waxaa soo dhexgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna u badan tahay in Baarlamaanku uu go’aan ka gaaro khilaafka” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaare Saacid oo intaas ku diray in xiisadu ay sare u kacday.
Ilaa hada ma jiro hadal kasoo baxay Villa Somalia oo ku saabsan khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DF, waxaana arintan si aad u adag uga hadlay Bulshada Rayidka ah iyo Culumada.
“Waxaan moodaynay inaan mar hore ka baxnay khilaafyada Madaxda DF soo dhexgala, balse weli waa muuqataa arintu, waxaana ku talinaynaa madaxda DF inay si hoose ku xaliyaan khilaafkooda” ayuu yiri Sh. Nuur Baaruud oo ka tirsan Hay’adaha Culumada Somalida.
Sh. Nuur Baaruud ayaa sheegay in arintan oo kale aysan shacabka Somalidu qaadi karin lagana sugayn, isagoo sheegay in Madaxdu ay iyagu uun xal ka gaaraan khilaafkooda, hadii kale ay shacabka ka imaan karaan jawaabo ay ka bixinayaan arintan.
Gudoomiyaha Hay’ada Culumada Sh. Bashiir Axmed Salaad oo isaguna hadal ka jeediyay Kulan ay Muqdisho ku yeesheen ayaa sheegay in arintan ay aad uga xun yihiin, sidaa daraadeedna ay dalbanayaan in la xaliyo khliaafka jira.
Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa la sheegay inuu bilaabay u kala dab-qaado Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DF si arinta taagan xal looga gaaro.
Madaxweynaha ayaa ka dalbaday dhawaan Ra’iisul Wasaare Saacid inuu ka dago xilka, iyadoo aan weli si dhab ah loo ogeyn arinta sababtaas keentay, balse Saacid ayaa sheegay inuusan xilka ka dagay, isagoo xusay in khilaafka hada jira uu yahay mid dastuuri ah.