Muran soo kala dhex galey Maamulka Shariif Xasan oo ku saabsan wasiiro hor leh oo loo magacaabaayo Beelaha Shiiqaal, Jijeele iyo Ujuuraan

0
272

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee 3da Gobol Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa waxaa soo wajahay mucaarado weyn ka dib markii dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintii la safnayd ay isku khilaafeen qorshe lagu kordhinaayo golaha wasiirada maamulkaasi..

Wasiirada lagu kordhinaayo maamulka Koonfur Galbeed oo gaaraaya ilaa 5 wasiir ayaa seddex ka mid ah waxaa loo qoondeeyey beelaha Shiikaal, Jijeele iyo Ujuuraan. Waxaan arrintaani  timid ka dib markii Shariif Xasan uu magaalada Muqdisho kulan kula qaatey waxgarad iyo cuqaal ka socota beelaha Shiikaal, Jijeele iyo Ujuuraan oo iyagu saluugay dhismaha maamulkaasi, sidoo kalena sheegay in ay yihiin dad degan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gobolada Bakool xaqna ay ku lahaayeen in saamiga awood qeybsiga goboladaas ka qeyb noqdaan.

Sheegashada beelaha Soomaaliyeed ee gobolada Koonfur Galbeed oo ay deegaan ahaan leeyihiin Beelaha ku hadla afka Maay Maayga oo la isku yiraahdo Digil iyo Mirifle ayaa si aad ah isu soo taraayey tan iyo markii uu Shariif Xasan Sheekh Aadan talada maamulkaas afgambi aan dhiig ku daadan ku qabsadey isagoo taageero ka helaaya beelaha kale ee aan deegaankaas u dhalan, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ciidamada dowlada Itoobiya ee ku howlgala magaca AMISOM.

DSC02989

Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan uu ku dhawaaqey gole wasiiro oo ka kooban 24 wasiir kuwaasi oo ka qeyb yihiin dhowr wasiir oo aan goboladaasi wax saami ah ku laheyn, hase ahaatee qaab siyaasadeed iyo dano gaar ah loogu soo darey maamulkaasi, taasoo si aad ah uga careysiisey dadkii deegaanka isla markaasna ka yaabisey dadkii kale ee taageerayaasha u ahaa una ololeynaayey in Shariif Xasan Sheikh Aadan uu noqdo madaxweynaha maamulkaasi.

Idale News Online, Baydhabo.