Muwadiniintan la filayo in ay maanta Soo gaaraan Magaalada Muqdisho oo tir ahaan lagu sheegay 16 Muwaadin ayaa ayaga iskood u doortay in ay dalkood dib ugu soo noqdaan.
Maryan Yasiin oo ah ergayga gaarka ah ee ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celinaayo dalka ay qabaan dhib badan iyo dhawacyo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee Magafayaasha loo yaqaan.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Dalka ayaa iminka ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde si ay usoo dhaweeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doortay in ay Dalkooda dib ugu soo noqdaan.