Wednesday, March 26, 2025
Home Idale Somali News Update Mareykanka:kulan lagu taageerayay barnaamijka taakulaynta Ciidamada Xoogga Dalka oo lagu qabtay

Mareykanka:kulan lagu taageerayay barnaamijka taakulaynta Ciidamada Xoogga Dalka oo lagu qabtay

0
174

Kulan-kaani oo ay sooo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka maraykanka gaar ahaan Magaalada Miniyaabulis ayaa waxaana ka qeyb galay xubno ka socday Guddiga difaaca Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.

Maxamed C.raxmaan Wardheere oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolisayaa sheegay in kulanku uu ahaa sidii loo garab istaagi lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo sidii Jaalayadu kaga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka taakulaynta Ciidamada ee Dowladdu horay ugu dhawaaqday.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa kaalin weyn ka qaatay dibu dhiska Dalka iyo caawinta bulshada tabaalaysan.