Caruur kamid ah qoys maalmo kahor ku soo sumoobay Biyo ay Cabeen, ayaa Xalay ku geeriyooday Isbitaalka Keydsaneey ee Muqdisho.
Waxaana Xalay Isbitaalka Keydsaney ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Labo caruur ah oo ka mid ahaa Caruurtii Sunta Cabtay ee Isbitaalka la keenay.
C/laahi Yuusuf oo ka mid ah Ehelada Qoyska Sunta Cabay ayaa Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Dhimashadu ay hada mareyso ilaa 7 Ruux islamarkaana hada isbitaalka ay ku jiran Saddex Ruux oo labo ka mid ah ay Koomo ku jiraan.
Waxaana hada Saddexda Ruux ee Isbitaalka ku jira ka Fiican Ayeeyada caruurta Geeriyootay Aabahood dhashay oo Xoogaa Miyir qabta.
Idale News Online, Muqdisho.