Dhageyso: Dowladda Soomaaliya oo Diyaarado Raashiin ku gaarsiisay Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool.

0
231

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DFS ayaa markii ugu horeysay Deeg Gar-Gaar ah gaarsiiyay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kuna dhaw Xad dalka Ethiopia.

Xudar Hadama

Gudoomiyaha Degmada Waajid Cabdullahi Aadan Yariisow, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Shalay & Maanta ay Labo Diyaaradood oo sida Raashiib isagu jira Sonkor, Bur & Saliid, kuwaasi oo loogu tala galay in lagu caawiyo Dadka dhibaataysan.

Halkan Ka Dhageyso.

[audio:https://soundcloud.com/keydmedia/gudoomiyaha-degmada-waajidmp3|autostart=yes]

Wuxuu kaloo sheegay in Dowladda Sidoo kale, ay dhanka Dhulka ah usoo marinayso Deeq kale oo kasoo baxday Magaalada Baydhobo, inkastoo la ogeyn qaabka lagu gaarsiin karo Degmooyinka Gobolka Bakool oo Wadooyinkii loo marayay ay Kooxda Al shabaab ay joogaan.

Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa sheegay in Xaalada Nolosha Dadka ku nool Degmadaasi & Deegaanada hoos yimaada, kadib markii Kooxda Al shabaab u diideen Baabuurta in halkaasi Raashiin gaarsiiyaan mudo bilooyin ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa Magaalada Go’doomisay, Suura galna Ma ahan in dadka qaarkood ay sii noolaadaan waxay dadku u dhimanayaan Cunto la’aan, Biyo yari iyo Daawooyinkii oo gabaabsi ka ah Goobaha Caafimaadka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiye Yariisow.

Degmada Waajid waxa ay kamid ahay, Degmooyinkii ay Dowladda Federaalka kala wareegtay Kooxda Al shabaab Bishii Maarso ee 2014.

Idale News Online, Waajid.