Muqdisho: Aabe & Wiilkiisa oo Muqdisho lagu dilay

0
179

 Dabley hubeysan oo la socotay gaari NOAH ah, ayaa waxay Muqdisho ku toogteen Aabe & Wiilkiisa, waa Dilkii 4-aad oo ka dhaca Caasimadda 72 Saac oo Gaari loo adeegsada.

Muqdisho

Goobjooge, ayaa Idale News Online u sheegay in Ninka la dilay & Wiilkiisa ay wateen Gaari CARIB  ah, kaasi oo Dablayda ku horgooyeen Gaarigooda xilli ay marayeen wadada Maclin Nuur ee kasoo leexata Meel u dhaw Ex-koontarool Afgooye sidoo kalena aada dhanka Degmada Dharkeenlay, kadibna Rasaas ku furay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa uu ahaa Ninka la dilay oo lagu magaaci jiray Col Cali Daahir, iyadoo Dadka qaar ay sheegayaan inuu kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka, halka Wararka kale ay leeyihiin wuxuu ka tirsanaa Wasaaradda Qorsheynta DFS.

Al shabaab ayaa horey u sheegtay Weeraro noocan oo kale ah oo Maalmihii ugu danbeeyaya ka dhacayay Muqdisho, oo uu ugu danbeeyay kii Shalay lagu dilay Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Howl-wadaag Yuusuf Hilaal.

Weerarada lagu fuliyo Baabuurta ayaa Maalmihii ugu danbeeyaya kusoo kordhayay Muqdisho, waxaana Dadka ay Amni xumadan ku tilmaameen inay sabab u tahay Khilaafka Madaxweynaha & RW C/wali kaasi oo niyad jebinaya Ciidanka.

Idale News Online –  Muqdisho