Munaasabad lagu Xasuusanaayo Weerarkii Maxakamada Gobolka oo Muqdisho lagu qabtay.

0
169

Muqdisho-14 April,maanta oo kale ayey aheyd markii Maleeshiyaadka Al-shabaab ay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ay Weerareen,waxaana Weerarkaasi ku Dhintay Dad badan oo Shacab u badan.

Teaser Image Munaasabada lagu Xasuusanayo Weerarkii Maxakamada Gobolka oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabad loogu Baroordiiqaayo waxii dhacay 14 April Sanadkii 2013-dii ayaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay,gaar ahaan Xarunta Maxkamada Gobolka.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud,Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda iyo Marti Sharaf kale oo lagu Casuumay.

Gudoomiyaha Maxakamada Sare Abuukaate Ceydiid Ilka Xanaf oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Maxkamada ay wali Dayacan tahay,oo Ciidamadii Xiligaa joogay aysan hada joogin.

Waxaa uu Dalbaday in la keeno Ciidamo tayo leh oo ka qeyb qaata Amaanka Xarumaha Garsoorka Dalka.maadaama uu Garsoorku lee yahay Cadow badan.

Xasan Sh Maxamuud Madaxweynaha Dalka Soomaaliya oo asna Goobta ka hadlaya ayaa sheegay in Amaanka Muqdisho uu Xiligaan marayo meel Adag.

“Aniga meel ii jirta 4 Tilaabo ayaa lagu Dilay Mas’uuliyin Dowladda ah,hala Dulqaato Shabaab Awoodoodii wey wiiqantay,waana laga Guuleysan doonaa”ayuu yir Xasan Sh Maxamuud.

Maanta oo kale Sanadkii 2013 ayaa Maleeshiyada Al-shabaab waxaa Weeraro qorsheysan ay ku qaadeen Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir,waxaana maanta Xarunta lagu Qabtay Munaasabad baroor diiq ah.

Idale New online – Muqdisho