Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta 19 Feb, 2018 waxaa uu furay Shir lagaga hadlayo dardar

0
201

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta 19 Feb, 2018 waxaa uu furay Shir lagaga hadlayo dardar galinta howlaha dib u xoraynta deeganada Jubbaland ee wali ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shirkan oo socon doona mudo sadex maalmood ah lagu gorfayn doono inta uu la egyahay diyaar garowga dhinacyada kala duwan iyo sidii dib u habayn loogu samayn lahaa hananka howlgalkan oo la doonayo in Al-Shabaab lagu soo afjaro.