Mrs. Clinton iyo Trump oo foodda isdaray weerar iyo weerar cilina isku qaadey

0
174

Doodda xalay ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee ay yeeshaan musharraxiinta ka hor doorashadda.

Musharrax Donald Trump ayaa diiday ballanqaadida in uu aqbalayo natiijadda doorashada bisha soo socota ka dhici doonta Maraykanka, xilli uu dood kulul la yeeshay Hillary Clinton.

Mr Trump ayaa ku celiyay eedeyntiisa ahayd in nidaamka doorashada looga shubtay, waxaana uu sheegay in uu arki doono sida ay wax u dhacaan.

Mrs Clinton ayaa sheegtay in ay ka argagaxday in musharrax madaxtinimada Maraykanka ah uu feker noocaasi ah qabo, waxaana ay Trump ku eedeysay inuu hoos u dhigay dimuqraadiyadda Maraykanka.

Mar uu ka hadlayay dagaalka ka socda magaalada Xaleb ee Suuriya, ayaa Mr Trump waxa uu ku tilmaamay musiibo, asagoo xaaladda magaaladaasi ku eedeeyay in ay lug ku lahayd Mrs Clinton.

Waxa uu sheegay in madaxweynayaasha Ruushka iyo Suuriya ay Maraykanka uga aqli badiyeen dagaalka ka socda dalkaasi.

Mrs Clinton ayaa ku eedeysay Donald Trump in uu taageersan yahay Ruushka, walow ay sheegtay in dalkaasi uu doonayo in uu galaangal ku yeesho natiijadda doorashadda Maraykanka.

Doodda xalay ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee ay yeeshaan musharraxiinta ka hor doorashadda.