Moscow: Xukuumadda Ruushka oo xabsiga dhigtay wasiirkeeda dhaqaalaha

0
187

MOSCOW(INO)- Dowladda Ruushka ayaa xabsiga u taxaabtay wasiirkeeda dhaqaalaha Aleksej Uljukajev kaddib markii ay soo ifbaxday in uu ku leg-leeyahay arrimo musuq-maasuq oo lacago lagu kala qaatay.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyay in 2 milyan oo dollarka mareykanka ah uu ku qaatay arrin ay ku lug-leedahay shirkadda saliidda ee ay dowladdu leedahay islamarkaana lagu magacaabo Rosneft.

Dowladda ayaa haysa caddeymo ka dhan ah wasiirka iyo xubno kale, waxaana haddii ay dhacdo in la xukumo wasiirka uu muteysan doonaa xabsi u dhaxeeya 8 ilaa 15 sano.