Michael Keating “Shabaab wali waa ay xoogan yihiin”

0
175

Muqdisho(INO)-Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Michael Keating ayaa qiray in Ururka Al Shabaab ay leeyihiin awood ku aadan sii wadista dagaalada ay kula jiraan Dowladda Federalka Somaliya iyo ciidamada Amisom ee dalka ku sugan.

Waxa uu sheegay Keating marka la eego weerarada Qaraxyada ah ee Shabaab todobaadkii la soo dhaafay ay ka geysteen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka SYL inay taasi tahay arin muujinaysa dagaalkooda oo weli taagan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya ayaa tilmaamay si waliba oo lagu baajin karo weerarada Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho inay sameynayaan laamaha ammaanka dalka.

“Al-shabaab wali waa ay xoogan yihiin , Oo waanu ognahay . waxaanu aragnay qaraxii u dambeeyay ee ay  ka gaysteen hotel Muqdisho ku yaala isbuucii la soo dhaafay , Laakiin waxaan kuu sheegi karaa in waxwalba oo looga hortagayo kooxdaasi weerarradda ay damacsan yihiin  in la sameeyay lana  sii wadi doono , iyadoo guddiga qaran ee amniga oo kaashanaya ciidamadda qaranka  inay ka hortagaan weeraradda nuucaas ah.” Ayuu yiri Michael Keating

Al Shabaab ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay weerar qarax gaari loo adeegsaday ay ku qaadeen Hotelka SYL oo xilligaasi madax ka tirsan Dowladda shir uga socday.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa ku goodiyay inay sii wadayaan Bartilmaameedka ay ku hayaan Xarumaha Dowladda ee Magaalada Muqdisho.