Muqdisho(INO)— Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo khamiis u fariisatay dhageysiga dacwada loo heystay 27 ruux Kenyan ah, kuwaasoo xeer ilaalinta ku soo eedeysay inay si sharci darro ah dalka ku joogeen, kuna shaqeysanayeen.
Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo, baasaboorada muwaadiniintan iyo waqtigii ay dalka soo galeen, waxaana lagu eedeeyay in 27-ka ruux ee Kenyanka ah ay dalka keeneen shirkad ganacsi oo ay u shaqeynayeen, isla markaana aysan heysan wax ruqsad ah oo ay dalka kaga shaqeystaan.
Dacwada ayaa ka dhaceysay saldhiga booliska ee ku yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana goob joog ahaa 22 qof, halka shanta kale ay ka maqnaayeen Maxkamadda, waxaana difaacayay qareen ay qabsadeen.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in 27-ka ruux ee Kenyanka ah ay ku cadaatay inay sharci darro ah dalka ku joogeen, isla markaana aanay wax fiiso ah heysan.
“Maxkamadda markii ay dhageysatay eedeynta xeer ilaaliyaha uu soo bandhigay oo ah cadeymo, document iyo baasaboorrada iyo taariikhda ay dalka soo galeen, waxaa u cadaatay inay si sharci daro dalka ku joogeen, kuna shaqeysanayeen, waxaa loo heystaa viiso la’aan inay dalka joogeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muwaadiniintan Kenyanka ah lagu ganaaxay lacag dhan 10-dollar oo qof kasta ah maalintii ay dalka sida sharci darada ku soo galeen.
“Waxaa Maxkamaddu ay ku xukuntay 27 qof 10-dollar oo ganaax ah qofkiiba ah maalin kasta ah, intii sharci la’aanta ay dalka ku joogeen, marka ay ganaax iska bixiyaan waa in si deg deg ah dalka uga baxaan oo dalkooda loogu celiyo”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku ganaaxay shirkadii ay u shaqeynayeen shaqaalahan oo lagu magacaabo Loyar-Link ay ku ganaaxday 10-kun oo dollar ah, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in shirkadan iyo kuwa kale ay ka mid yihiin kuwo howlo shaqo oo dhismo iyo arrimo kale ka haya Garoonka diyaaradaha iyo Xerada Xalane oo Talis u ah Ciidamada AMISOM.
Waa markii u horeysay Inta la og yahay oo dad ajaanib ah lagu xukumo in dalka laga musaafuriyo tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya xilligii sagaashameeyadii, waxaana muddooyinkii dambe dalka ku soo badanayay shaqaalaha ajaaniib oo dalka ku soo qul qulayay, kuwaasoo la sheego in aysan heysan ruqsad shaqaalenimo ama sharciga dal ku jooga ah.
Idale News Online, Muqdisho