Baydhabo(INO)-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya qaybteeda 6o-maad ee magaalada baydhabo ayaa xukun shansano oo xarig ah ku ridday eedaysane Xuseen Weerow Isaaq Jilibay oo soo weeraray isaga iyo maleeshiyaad kale 11 bishii Todobaad guri ay daganaayeen guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Aflow iyo Wasiirku-xigeenka Xananada xoolaha Dowladda koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Cabduqaadir koofi.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada oowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolka Bay Gaashaanlle Aadan Abuukar Axmed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ay ku ridday Eedaysane Xuseen Weerow Isaaq oo maxkamaddu ay ku ridday xukun xabsi Shansano ah Cadaymo badan kaddib.
Ugu dambeyntii, Muddooyinkii dambe maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta Gobolka Bay waxa ay wadday dadaallo cadaaladda loogu ridayo eedaysanayaasha damacsan daadinta Dhiigga Shacaka soomaliyeed.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo