Wakiilka Midowga Africa Uqaabilsanaa Arimaha Soomaaliya Maxamed Saalax Anadiif ayaa warar soo baxay waxay sheegayaan inuu is Casilay waxaana uu sidoo kale ahaa Taliyaha Ugu sareeya Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya Jooga.
Ninkaan oo qaban doona maanta oo khamiisa sida uu qorshaha uu yahay Xaflad uu ku shaacin doono is Casilaadiisa ayaa wararka hordhaca ah ee la helayo waxa la sheegay inay ka qeyb geli doonaan Xafladaasi mas’uuliyiin ka Tirsan Dawlada Soomaaliya.
Anadiif oo Xilkaan kala wareegay Bishii December sanadkii 2012-kii Abuubakar Diara ayaa waxa is Casilaadiisaan ay ka dambeysay baa la leeyahay markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Dawladaha ciidamada ka joogaan Somaliya oo Kenya ay ugu horeyso.
Maxamed Saalax Anadiif ayaa ah 58 jir udhashay dalka Chat waxaana uu ku dhashay magaalada Arada ee Dalkaasi sanadkii 1956-kii waxaana uu kasoo shaqeeyey Waddankiisa Gaar ahaan Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta.