Akhriso: Magacyada Iyo Taariikhda Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka Soomaaliya+ Daawo Sawirada.

0
225

Wasaarada Warfaafinta ee xukuumada Muqdisho, ayaa waxay baahisay qoraal kaga hadleyso taariikh nololeydka 5-ta qof ee dib u eegista ku sameynaaya Dastuurka Qabyo Qoraalka ee Soomaaliya, oo loogu yeero (Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka).

  • Abukaate Xasan Xuseen Xaaji (Bakistaan) DM

Abukaate Xasan Bakistaan waa qareen khibrad weyn u leh arimaha sharciga, wuxuuna si gaar ah ugu takhasusey shurrucda khusaysa arimaha socdaalka, magangelyo doonka iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Sanadihii ugu danbeeyey waxaa uu si weyn ugu lug lahaa doodaha sharciyada iyo kuwa waxbarashda ee ku saabsan arimaha dastuurka ee laga soo daayo Telefishinada iyo Idaacadaha. Wuxuu faham weyn u leeyahay Geedi Socodka Dastuurka.

  • Caasho Geelle Diiriye

caasho-geeleCaasho waxay ka qalin jebisay Kuliyadii Waxbarshada Lafoole 1984, waxay sidoo kale shahaadada darajada labaad ee la xiriira arimaha dumarka iyo horumarinta reer miyiga ka soo qaadatey India, mudo 30 sano ka badan waxay ku howlaneed ka shaqeynta arimaha dowlad wanaaga, waxbarashada, nabada, xalinta khilaafaadka, jinsiga, hurumarinta bulshada, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta reer miyiga. Inta aan xubinimada gudigaan loo magaacaabin waxay ahaan jirtay Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

  •  Cusmaan Jaamac Cali (Cusmaan Kalluun)

kalluunWuxuu ka baxay kuliyada Engineeriyada ee Jaamacada Leningrad ee wadanka Russia 1968, wuxuu soo noqday wasiirka kalumeysiga iyo kheyraadka bada iyo sidoo kale wasiirka howlaha guud iyo guryeynta intii u dhaxaysay (1973-1989), wuxuu sidoo kale soo noqday Ra’isulwasaare Ku Xigeen ahna Wasiir xiligii Dowladii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Abdiqasim Salaad Xasan. Wuxuu ahaa murashax Madaxweyne xiligii Doorashada 2004. Mudane Cusmaan Jaamac Ali wuxuu hada Gudoomiye ka yahay golaha wadahadalka iyo dimoqraadiyada ee qurba -joogta Soomaalida UK.

  • Maxamed Cabdalla Saalax

Maxamed wuxuu Kuliyadii Qaanuunka ee Jaamacadi Soomaaliya ka baxay 1972, waa qareen iyo la taliye xaga sharciga, wuxuu lasoo shaqeeyay hey’ado maxali ah iyo kuwo caalami ah intaba, wuxuu soo noqday qareen maxkamada Soomaaliya ka tirsan intii u dhaxaysey 1972-1975, wuxuuna ilaa hada jiraa howlaha garsoorka iyo sharciga laga soo bilaabo 1972, wuxuu sidoo kale leeyahay khibrad weyn ee la xiriirta xalinta khilaafaadka, nabada iyo wadaxaajodyadaha.

  • Prof. Xasan Cumar Mahadallah

Prof. Xasan Cumar MahadallahProf. Mahadallah waa bare sare iyo cilmi baare ka tirsan jaamacada Baton Rouge ee Louisiana USA, waa qoraa khibrad weyn u leh Arimaha Soomaaliya. Wuxuu sameeyay cimri baaris la xiriirta arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin: Aas-aaskii wadaniyada Soomaliya, Hogaanka Geeska Africa, Taariikhda ciidanka xooga dalka ee Soomaaliya, Sii socoshada iyo isbedelka siyaasada Mareykan ee Geeska Africa, Maxkamadihii Islaam, iyo maqaalo kale oo badan.

Idale News Online, Muqdisho.