Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif-xasan oo caan ku ah lugooyadda iyo ijaafeynta ayaa magaaladda Nairobi soo gaaray,isagoo la kulmay Siyaasiin rug-cadaa ah oo sida wax loo dulaalo iyo is-dabamarinta caan ku ah.
Shariif-xasan ayaa Casho-sharafeed u sameeyay Xildhibaan Professor Juriile,R/wasaarihii hore ee Soomalaiya Cumar C/rashiid,Xildhibaan Xoosh Jabriil,La Taliyaha dhanka Siyaasadda ee Madaxweyne Culusoow C/raxmaan C/shakuur iyo Fahad Yaasiin oo ka mid ah Kooxda Damjadiid ahna Suxufi ka tirsan Taleefishinka Aljazeera-Tv qeybta
Shariifka ayaa ka codsaday Siyaasiinta dhanka Dalaalnimadda iyo is-daba-marinta caanku ah inay kala shaqeeyaan sidii loo aqoonsan-lahaa Maamulka 3-da Gobol ee Baydhabo laga dhisay,kaasoo uu Madaxweyne ka yahay Maxamed Xaaji Madeer oo ay iska Hooyo yihiin Shariif-xasan
waxaan shaki ku jirin wixii ka danbeyay markii baydhabo laga soo ceyriyay ninkaan in uu geed gaaban iyo mid dheer u fuulayo sidii uu ku socod siin lahaa maamula sedexda gobol ee uu maan iyo maal ku bixinooyo,shariifka oo caro xoogan ka soo qaaday ceebtii ka soo raacday baydhbo ayaa xitaa kala garan waayay siyaasiyiinta uu cashada u sameyay oo qaar kamid ah horey ay isagu dhac sanayeen oo aysan siyaasad ahaan isku fiicnayn.
Idale News Online, Kenya