Maxay Somalia Uga Dhigan Tahay Booqashada Kerry Ee Muqdisho?

0
224

Muqdisho (INO) — Xoghayaha Arimaha Dibadda, ee dalka Maraykanka John Kerry, ayaa soo gabagabeeyay Booqasho Daqiiqado qaadatay,  oo  ku tagay Magaalada Muqdisho.

Teaser Image Maxay Somalia uga dhigan tahay Booqashada Kerry  ee Muqdisho?

Booqashadiisa oo ahayd midii ugu horeysay oo Dimlomaasi Mareykanka ah ku tago Soomaaliya tan iyo 1991, ayaa qaataday Mudo Daqiiqado ah, wuxuu intuu joogay Caasimada la kulmay MD Xasan & RW Cumar.

John Kerry ayaa Safarkiisa wuxuu xambaarsanaa Labo Fariin oo u siday Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah.

Dagaalka Al shabaab

Doorashada 2016, oo inay dhacdo Shaki badan laga muujinayo

Kulan Albaabada u xirnaa ayuu kula galay Garoonka Muqdisho Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha DFS, waxaana aad u hareeyay Kulankooda Dagaalka Al shabaab, oo Maamulka Obama u arko mid qatar ku ah Danaheeda Geeska Africa.

Diyaarad yar oo uu kasoo raacay Nairobi ayuu John Kerry ku yimid Muqdisho Saacadihii hore ee Saakay, waxaana aad loo adkeeyay Amaanka Caasimadda cabsi laga qabay inuu Weerar dhaco.

January 2014, Maamulka Obama ayaa aqoonsaday Dowladda MD Xasan Sheekh, taasi oo lagu micneeyay inuu soo laabtay Xariirka Labada Dal ee Somalia & Mareykanka.

February 24, 2015, Obama ayaa Katherine S. Dhanani Safiir Cusub ugu soo magacaabay Soomaaliya, inkastoo Xafiiskeeda uu noqonaya Kenya.

Dowladda Mareykanka ayaa dhinacyada Dhaqaalaha & Siyaasadda waxay ka taageertaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo Dagaal kula jirta Al shabaab.

Idale Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here