Kismaayo(INO)-Taliska Ciidanka Booliska ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxay maanta soo bandhigeen afar haween ah, oo falalka xatooyada kaga shaqeysaaayay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.
Haweenkan, ayaa Arbacadii la tilmaamay inay diyaarad ka soo raaceen Magaalada Muqdisho, ayna ku soo diggeen nin dhalinyaro ahaa, isla-markaana ay maalmahaanba falal xatooyo ah ka geysanayen goobaha ganacsi, ee Kismaayo ku yaala.
Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Dhexe Kismaayo Aadan Bahdoon oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in haweenkan ay Jimcihii, Sabtidii iyo Axadiiba dhac ka geysteen goobaha ganacsi ee Magaalada Kismaayo.
Taliye Ku Xigeenku wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan lacag dhan kun iyo sideed boqol oo lacagta Mareykanka ah ($1,800US) iyo dhar ay ku soo qabteen dadka eedeysane-yaasha ah.
Aadan Bahdoon, ayaa sheegay in dadkaasi ay u sheegeen in muddo laba sano ah ay tuugeysiga kaga shaqeysanayen Magaalada Muqdisho, markii dambena ay u soo wareegteen Magaalada Kismaayo. Xilli sida uu sheegay ay Kismaayo tuugadii ka ciribtireen.
Sidoo kale wuxuu sheegay in muddo 68 saacadood lagu soo qabtay ay layaab ku noqotay, iyadoo muddo laba sano ah falalka xatooyada kaga shaqeysanayay Magaalada Muqdisho, isla-markaana aan marna la qaban.
Mid ka mid ah haweenka la soo bandhigay, ayaa waxay sheegtay in gacanta lagu soo dhigay, iyagoo isku diyaarinaaya inay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Kismaayo