Baydhabo(INO)- Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer oo loo doortay wasiirka caafimaadka, waxaa uu heystaa dhalasho dalka Mareykan ah, waxaa ay isku hooyo yihiin Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Sharif Xasan Sheekh Aden, waxaa ay sidoo kale qaraabe soke yihiin wasiirka la badalay.
Dhanka Siyaasadda kama foga Madaxweyne Sharif Xasan Sheekh Aaden, waxaa uu horay u soo noqday Lataliyaha gaarka ah ee Shariifka, waxaa uu sidoo kale horay u sheegtay Madaxweynaha 3da gobol ka hor inta aan la dooray jagadaas Sharif Xasan Sheekh Aaden, waxaa lagu xasuustaa loolan adag uu la galay Madoobe Nuunow Maxamed oo ku saabsanaa 3da iyo 6da gobol.
Ugu dambeyntii, June 24, 2016: Waxaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka, waxaa lagu badalay Marwo Xaawo Xasan.
Maxay ka dhigan tahay Xilligan u magacaabista Maxamed Xaaji Cabdi Madeer ee Wasiirka Caafimaadka DFS ?
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay