Maxay Ka Dhigan tahay Guuldarada Soo Gaartey Wasiir Farkeeti?

0
177

Baydhabo(INO)— Wasiirkii Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa goor dhow looga adkaaday doorashadii Xildhibaannimada Aqalka Hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Doorasho adag oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Macalin Yaxye oo horay uga mid ahaa Xukuumadihii KMG.

Doorashada oo aheyd labo wareeg ayaa wareegii koowaad waxaa hal cod ku horeeyay Maxamed Macalin Yaxye, kaasoo helay 25 cod, halka Fargeeti uu helay 24 cod, waxaana wareegaas ku haray hal Musharax oo helay 2 cod.

Hase ahaatee wareegii labaad ee kala baxa ahaa ayaa Maxamuud Macalin Yaxye waxaa uu helay 26 cod, halka Maxamed Aadan Fargeeti uu helay 25 cod, sidaas waxaa xubinimada Baarlamaanka ee Aqalka Hoose Beesha Disow ku guuleystay Maxamuud Macalin Yaxye.

Loolanka Kursigan Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose Koofur Galbeed ayaa ahaa kii ugu adkaa, waxaana lagu bixinayay lacag aad u fara badan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in halkii cod ee lagu iibsinayay cododka Ergooyinka ayaa gaarayay illaa 10-kun oo dollar-ka Mareykanka, iyadoo Wasiirka Maaliyadda ay ugu baxday qarash aad u fara badan oo ah lacag ku dhow 300,000 oo dollar, balse ku hungoobay inuu ku guuleysto kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa loolan adag kala kulmayay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo taageerayay Maxamuud Macalin Yaxye.

fargeeto-maxamed-macalin

Dhinaca kale doorashooyinka kale ee kuraasta Aqalka Hoose ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo waxaa ku guuleystay Xildhibaano hore  iyo kuwa hada oo dib mar kale ugu guuleystay xubinimada Baarlamaanka cusub.