Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa xilli hogaamiye kooxeedyada kuwii ugu awooda badnaa ee ka talinjiray magaalada Muqdisho balse baryihii danbe ku jiray xidhibaanada baarlamaanadii is badelay ee Soomaaliya ayaa maanta xilkiisa xildhibaanimo ku wareejiyey wiil uu dhalay.
Wiilka Qanyare oo lagu magacaabo Abdiweli Maxamed Qanyare ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey inuu ka mid noqdo baarlamaanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu xaalad caafimaad oo adeg lasoo gudboonaatay Aabihiis Qanyare oo si cad loogu yaqaanay inuu ka dhexmuuqdo siyaasada.
Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Soomaaliya Mudane, Iikar oo kulanka shir guddoominayey ayaa waxaa uu sheegay in maanta baarlamaanka loo qeybinayo hindisayaal ay xukuumadda ka diyaarisay maamul u sameynta gobollada dalka Soomaaliya. Waxana arrintan ay qeyb ka tahay howlaha baarlamaanka looga fadhiyo.
Maxamed Qanyare ayaa waxaa uu kasoo mid noqday wasiiradii dowladii Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col, Abdilaahi Yusuf Axmed isaga oo si gaar ah looga dhigay wasiirka amniga qaranka Soomaaliya. Waxaana waqti yar kadib uu ka hor yimid isla dowladii uu ka tirsanaa, isagana waxaa uu ka mid noqday hogaamiyayaashii xooga looga saaray Muqdisho kadib markii ay dagaal la galeen kooxdii Maxkamadaha islaamiga ah ee Soomaaliya.
Idale News Online Mogadishu