Mas’uul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu dilay Muqdisho

0
194

Muqdisho (INO) — Waxaa Xaley lagu dilay Muqdisho Mas’uul kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Teaser Image Mas’uul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu dilay Muqdisho

Saddex Dhalinyaro ah oo ku hubaysanaa Bastoolado ayaa toogtay Xuseen Cabdi oo kamid ahaa Gudoomiyaasha Waaxaha Degmada Xamar-jajab, sida uu warbaahinta  u xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmadaasi Axmed Cusmaan Dhoore.

Dilka waxaa uu ka dhacay Meel u dhaw Guriga Marxuumka, iyadoo kuwii dilay ay baxsadeen, waxaana Goobta soo gaaray Ciidanka DFS oo sida caadada ah Howlgallo sameeyay.

Waa Dilkii 2-aad oo Mudo 12 Saacadood Muqdisho loogu geesto Mas’uul kamid ah Dowladda Soomaaliya.

Idale News  Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here