Masuul ka tirsan Dowladda oo maanta lagu xukumay 15 sano oo xarig ah.

0
186

banan40Waxaa maanta go’aan adag laga qaatay murun muddooyinkaanba soo jiitamaayay, oo ku aadan Gudoomiye Ku Xigeenkii dhinaca Siyaasada ee Gobolka Hiiraan C/laahi Maxamed Cumar.

Arrintaan, ayaa ka dambeysay kadib markii askari ka tirsanaa Ilaalada Masuulkaan, uu dil bareer ah u geystay wiil arday ahaa, iyadoo markii dambena ay soo shaac baxday in uu ku lug lee yahay Masuulkaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Hiiraan Xuseen Cabdi Axmed Rooble, ayaa wuxuu marka hore ku dhawaaqay in xilka laga qaaday masuulkaan, wuxuuna markii dambe ku xukumay 15 sano oo xarig ah.

Askariga dilka bareerka ahaa u geystay wiilkii ardayda ahaa, ayaa waxay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ay ku xukuntay in dil toogasho lagu fuliyo.

Gudoomiye Ku Xigeenkii dhinaca Siyaasada ee Gobolka Hiiraan C/laahi Maxamed Cumar, oo maanta xil ka qaadis lagu sameeyay, ayaa wuxuu muddooyinkaan uu ku xirnaa xabsi ku yaala Baladweyne.

Idale News Online