AMISOM oo toogtay Dad rayid ah kadib Qaraxyo ka dhacay Magaalada Marka

0
224

Marka (INO)-Qaraxyo miino ayaa la sheegay in lagu weeraray Ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayay Bartamaha Magaalada Madaxda Gobolka Sh/hoose ee Marka.

amisommarka

Qaraxyada oo noocooda uu ahaa Bam-gacmeed ayaa AMISOM waxa ay kaga jawaabtay Rasaas ay ku furtay Dadka Rayidka ah ee ku nool Magaalada.

Goobjooge Marka ku sugan ayaa u sheegay Mustaqbal in Rasaas ay fureen qaraxyada kadib uu ku dhintay Qof rayid ah Labo kalana ay ku dhaawacmeen.

Ma ahan markii u horeysay oo AMISOM ay rasaas ay ridaan ay ku dhintaan Dad rayid ah, iyadoo horay dilal bareer ah uga geystay Marka sida ay sheegeen Dadka Deegaanka ah.

Idale News Online, Marka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here