Mareykanka oo sheegey in mid ka mid ah Diyaaradahooda aan duuliyaha wadin ee Drones ku dhacdey meel ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose

0
192

yaqaano Drone oo shalay ku dhacday deegaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo Mareykanka uu qirtay in diyaaradaas ay cilad darteed u soo dhacday.

Diyaaradan Drones loo yaqaano ayaa ku dhacday meel keyn ah oo ku dhow degmada Buulo Mareer, iyadoo qeyb ka mid ah qalabka diyaaradan ay soo qaadeen saraakiisha Shabaab oo sheegay inay gantaalo iyo kaamiiroyin casri ku xirnaayeen.

Afhayeenka howl galada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in diyaaradan ay aheyd mid fidno ah, isla markaana ku xirnaayeen gantaalo iyo kaamooriyoon sida uu yiri.

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaradaas ka mid tahay kuwa Drones ee ay ku taageeraan howl galka AMISOM, isla markaana ku dhacday meel ka mid ah Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay diyaaradaha aanay cidna wadin ee Mareykanka ka fuliyo weerarada lagu bartilmaameedsado Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Deegaanka Buulo Mareer ayaa waxaa bishii Janaayo ee sanadkan ka dhacay weerar Ciidamada Kumandoska Faransiiska isku dayeen inay ku soo furtaan muwaadin looga heystay halkaas, iyagoo ku fashilmay.

 

Idale News Muqdisho