Ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Maryakanka ee arrimaha siyaasadda, Wendy Sherman ayaa ku dhawaaqday in Madaxweyne Barack Obama uu markii ugu horreysay muddo 20 sanno ah dhawaan magacaabi doono safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.
Sherman ayaa hadalkan uga dhawaaqday khudbad ay ka jeedisay machadka nabadda Maraykanka ee magaaladan Washington, waxayna sheegtay in Maraykanku aanu safiir rasmi ah ku lahayn Muqdisho tan iyo markii la xidhay safaraadii Maraykanka bishii January 5-teedii sannadkii 1991-kii, balse aytaasi isbeddelayso oo dhawaan Madaxweyne Barack Obama uu ku dhawaaqi doono safiirka Maraykanka ee Somalia.
Wendy Sherman waxay sheegtay inay ku rajo weyn tahay maalinta ay labada dal si buuxda u soo ceshan doonaan xarumahoodii diplomaasiyadeed ee ay ku kala lahaayeen labada caasimadood.
Inkastoo labadani dal aysan waligood xiriirka isu jarin, haddana mareykanka ayaa albaabada u laabay safaaraddii uu ku lahaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadkii 1991-kii.
Labo sano kaddibna 18 ka tirsan ciidamada mareykanka ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya dagaal ay la galeen maleeshiyo beeleed, taasi oo sababtay in mareykanka uu ciidamadiisa halkaasi kala baxo.
Idale News Online, White House.