Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayay Mamulka Goboleedka Jubaland iyo Madaxdooda ayaa lagu qabtay Magaalada Geneva ee Dalkan Swizerland.
Xafladaan Lagu Taageeryay Madaxweyne Axmed Maxamed islaan [Axmed Madoobe] iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil ayaa qabsoomideeda waxaa suura galiyay gudi ay ka mid ahaayeen Luul Maxamed Digriyow, Axmed Jaamacc Fidhbool iyo Xubno kale.
Xaflad oo ay ka soo qeyb galeen Soomaali aad u fara badan ayaa waxaa furay oo xariga ka jaray Luul Maxmed Digriyow iyo Axmed Jaamac Fidhbool.
waxaa sidoo kale qadka Telefoonka kaga qeyb galay oo la hadlay Dadkii Madasha ku sugnaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Jubaland Generaal Admiraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Afhayeenka Dowlada Goboleedka Jubaland Cabdinaasir Seeraar .
Madasha oo eheed mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Qudbado Heeso, iyo weliba Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka.
Hoos ka daawo
[vsw id=”F8I5xryksI8″ source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Idale News Muqdisho