Buulo Fulaay(INO)—Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab uu xukun dil ah ku fuliyay 4 Ruux oo ay ku eedeeyeen fududeynta Weerar Diyaaradaha Mareykanka ay ku Dileen Hogaamiyeyaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab.
Xukuan Dilka ee 4-tan Ruux ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Buulo-Falaay oo ku yaalla Xadka kala qeybiya Gobolada Sh.Hoose iyo Bay waxaana Degaankan uu hoostagaa Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.
Raggan la Dilay ayaa lagu eedeeyay in ay la shaqeenayeen Sirdoonka Dowladda Mareykanka ee CIA waxaana sidoo kale lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen Weeraro dhowr ahaa oo lagu Dilay Saraakiil sare oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.
Sidoo kale, Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe waxey ku Dileen ugu yaraan 3 Ruux oo isugu jiray Ajaaniib iyo Soomaali ka tirsanaa Dagaal yahanooda.
Xukunkan Dilka ahaa ayaa lagu fuliyay labo Ruux oo u dhashay Dalka Kenya iyo mid kale uu isna Soomaali ahaa, waxaana lagu eedeeyay jawaasiisnimo.
Raggan Dilkoodu ka dhacay Magaalada Jilib ayaa muddooyinkii dambe waxey ku xirnaayeen Xabsi ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab oo ku yaalla Magaaladaasi.
Sikastaba, Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada qaar ee Dalka Soomaaliya ayaa lagu Dilay Saraakiil iyo Dagaal yahano ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab kadib markii halkaasi ay duqeymo kala duwan ka fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka.
Idale News Online, Muqdisho