Moul(INO)- Maleeshiyaadka Daacish ayaa weerar kadis ah ku qaaday magaalada batroolka laga soo saaro ee Kirkuk, waqooyiga Ciraaq. Xili uu socdo duulaanka kooxdaasi looga saarayo magaalada Mosul.
Daacish ayaa sheegatay weerarka maanta oo Jimce ah ka dhacay magaalada Kirkuk ee Waqooyiga Ciraaq, halkaasi oo ay dabley hubeysan weeraro la beegsadeen xarumaha dowlada, Booliiska iyo Xarunta Tamarta ee ku taal magaaladaasi.
Weerarkan ayaa lagu dilay ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska, waxaana weli la ogeyn faah faahinta khasaaraha ka dhashay weeraradan. Duulaanka Kirkuk ayaa lagu soo beegay xili uu socdo hawlgal aad u balaaran oo ay Dowlada Ciraaq dooneyso inay dib ugu qabsato magaalada Mosul oo ah xarunta kooxda Daacish ee wadankaasi.
Dagaalka lagu xoreenayo magaalada Mosul ayaa hada meel wanaagsan maraya sida uu sheegay Raysalwasaaraha Ciraaq Xaydar Al Cabadi oo sheegay in qorshahooda si dardarleh ku socdo, ciidamada dowlada ayaa la wareegay tuulooyinka ku yaal duleedka magaalada Mosul, waxayna hada joogaan meel 15km u jirta Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Ciraaq.
Waxaase la filayaa in dagaalada ugu adag ay ka dhacaan gudaha magaalada Mosul oo ay maleeshiyaadka Daacish gacanta ku hayeen labadii sano ee lasoo dhaafay, maadaama ay doonayaan in gudaha magaalada oo ay weli shacab badan ku sugan yihiin ay uga gaashaantaan hubka culus iyo diyaaradaha gacanta siinaya ciidamada Ciraaq.