Kadib maalintii duraad hadalkii kululaa xaqnima u dirirka ahaa ee ka soo yeeray taliye SHiine Macalin Nuurow hogaanka ururka RRA waxaa maalin kadib shir balaaran aan kala go’ lahayn magaalada Baydhobo gobolka Baay Koonfur Galbeed isugu yimid salaadiinta Raxanweyn DM midna aan ka maqnayn oo ay wehliyaan aqoonyahanada, ganacsatada, ururada haweenka dabley iyo saraakiil waxaana goobtaasi si weyn loogu falanqeeyey aayaha Raxanweyn dhulkeeda lagu soo duulay iyo sidii dagaalka dheer ka baaqsashada lahayn ee qabiilkan Raxanweyn uu soo wajahay loogu hub iyo qalab uruursan lahaa taasoona kagadaal markii dhan walba wax laga eegay kal iyo laab la isugu raacay in Raxanweyn ay wada go’do oo saaxada aduunka laga waayo ama in ay soo ceshato dhulkeedii sharafteedi karaamadeedi Raxanweyn lagu yiqiin waa dhulkaasoo ay u nasabka sheegato 6 da gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya kala ah Jubbada Hoose, Baay, SHebeelaha Hoose, Gedo, Bakool iyo Jubbada DHexe.
SHirkaasi qaaska ahaa albaabada loo owday waxaa si cara-xoog badani ku jirto uga hadlay Malaaq Xasanow Cumurow oo si weyn looga yaqaan geiyaga Soomaaliya gaar ahaan gudaha bulshaweynta Raxanweyn DM Koonfur Galbeed Soomaaliya kana mid ah salaadiinta wax ka hogaamisa beelaha labada Webi asalka u leh.
Malaaq Xasanow Cumurow waxaa uu yiri “Sidee saddex ama afar qabiil Ogaadeen, Habargidir, Mareexaan iyo wixii la mid ah noo haysan karaan anagoo ka badan 30 qabiil ah badnaanshahaan Illaahay na siiyey?”,malaaqu labadaraale wuxuu afka ku dhiftay inta qabiil ay Raxanweyn ka koobantahay iyo afarta qabiil ee dhulkooda ku soo duushay cadowga u ah isagoo barbardhig ku sameeyey tirada Raxanweyn iyo gardaroolayaasha.
Malaaq Xasanoow oo maanta shirka Malaaqyada waxa uu ka yiri Raxanweyn waa ” 1: Eelaay, 2: Garre, 3: Hadame, 4: Hariin, 5: Luwaay, 6: Jiido, 7: Leysaan, 8: Waanjeel, 9: Geeledle, 10: Tuni, 11: Asharaaf, 12: Gasaaregude, 13: Haraaw, 14: SHanta-Caleemood, 15: Disow, 16: Yantaar, 17:, Eemid, 18: Bagadi, 19: Reerdumaal, 20: Hubeer, 21: Qoomaal, 22: Gawaaweyn, 23: Geledi, 24: Yaladle, 25: Jilible, 26: Heledi, 27: Garwaale, 28: Dabare, 29: JIROON, 30: Eyle iyo 31: Macalin-Weyne iyo Kuwo kale, Malaaqu wuxuu isweydiiyey sababta keentay 30 qabiil oo tirada ka batay sida 3 jufo iyo wixii la mid ah ay u qabsanayaan dhulkooda ayna sharafta jiritaankooda insaaninimo u regaadin karaan qarnigan oo uu aduunka tageyo horumaray, malaaq Xasanow wuxuuna hadlakiisa sii raaciyey in Habargidir ama Ogaadeen ama Mareexaan midkasta kooda ka mid ah tiro iyo geesinimo ayan ku dhameyn hal laf oo Raxanweyn ka mid ah sida wuxuu tusaale u soo qaatay qabiilada Hadame, Eelay Leysaan Geledle Hariin, Garre, I.WM.
SUldaanka oo markii u hadleyey carada wajigiisa ka muuqanayso aad moodo inuu qarxayey waxaa illin dhiillo leh ay indhaha u soo wada istaagtay dhamaan ugaasyadii iyo aqoonyahanadii meesha isugu yimid waxaana halkaasi lagu balan qaaday Raxanweyn inay Raxanweyn koley wey dhimane dhimasho sharaf leh ay dhimato ifkan sharaf iyo cisi kaga hooyato oo ay aakhiro wada aaddo ama nolol qiimi iyo qaaya leh ay aduunka dhulkeeda kaga joogto iyadoo xora oo ay ismaamuleyso.
Malaaqyada halkaasi isugu yimid waxaa ay iyagoo jidbaysan carabka ku adkeeyeen Raxanweyn in ay iscafiso wixii horoo dhaxdeeda ka dhacayna ay iska illowdo xala dhaley ay ka noqoto maxaa yeelay bay yiraahdeen salaadiintu Raxanweyn waligeed iyadoo isku duubaan inaan laga adkaan taariikhda balse laakiin marka ay iyado waranka isu qaaddo uun la qabsanayey taaso markaad taairrkhda guunka ah dib ugu noqoto ku tuseysa saxnimada hadalka ay sheegeen malaaqyada Raxanweyn DM u nasabka sheegta 6 da gobol ee la saaranyahay Koonfur Galbeed Soomaaliya maantana u darban dagaal halaag ah kaasoo guluf uruursigiisu iyo daaxurintiisuba si aad looga dareemayo gudaha dalkeena Soomaaliya Koonfurtaba ha ugu badnaato è.
DHanka kale qurbahana waxaa jira abaabulo baaxad leh shirar gooni gooni iyo guud ay wadaan jaaliyadaha shanta qaaradood ee Raxanweyn loogu maal uruurinayo dagaalkan isdifaaca ah lagu xoreynayo dhulkii Arlaadi cadowgu haysto dagaalkaasoo laga yaabo inuu sii seetadheeraado waxaana dibadaha wareegaya aqoonyahano iyo saraakiil qubara ku ah abaabulka dagaalka iyo jeexidda kaartooyinka milateri kuwaasoo aad loogu baahanyahay maanta oo kale markey dhanaanaato xaajaduna ay gaadho aryaa maali jirey.
Waxaa jira baaqya badan oo ka soo baxaaya bulshaweynta Raxanweyn kuwaasoo ku aaddan in Raxanweyn sideedaba khilaafka iska dhaafto maantana ay tahay qof walbaa wuxuu qabay inuu iska liqi hal saf iyo garab gaashaankiisu guntanyahay iyadoo la yahay cadowga la wajaho maadaama sinaba aan looga fursan karin dagaalkan burcad dhuleeddu bilowday gardaro aan geed loogu soo gambana ka gadaal markii barqacad si bareer ah ugu soo duuleen dhulkii dadyowga beeshan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Walow kulankii malaagyada iyo aqoonyahanada loogu arinsanayey abuubalka dagaalka Kismaanyo iyo SHabeelaha Hoose lagu xoreynayo badi dadkii halkaa ka hadlay soo jeediyeen in Raxanweyn ay tahay inay iscafiso ayaa haddana salaadiinta waxayba afka ku dhufteen 2 qabiil in ay iscafiyaan, salaadiintu waxay mar kale yiraahdeen “Eelaay iyo Leysaan si kal iyo laab ah ha isucafiyaan maxaa yeelay labadaan qabiil oo ka mid ah qabii’ilada ugu waaweyn ee Raxanweyn furena u ah nabadda ama colaadda gudaha Raxanweyn waa laga maarmaan heshiiskooda dhabta ah”.
Taasi waxa ay muujineysaa heerka Raxanweyn maanta ay kaga go’antahay in iyadoo mid ah Kismaanyo iyo Afgooye ku duusho maxaa yeelay salaadiintu waxay garawsadeen iyadoo wixii dhacay casharo lagu qaadanayo in iskuduubni uun qaran lagu difaaci karayo waana caqli saliim ah loo baahanyahay xiligan hadda la joogo ee uu cadowgu ceegaago dhulkii quruxda badnaa ee Raxanweyn Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wakaaladaha Koonfur Galbeed qaarkood waxaa ay heleen warar sugan oo qarsoodi ah kaasoo ku aaddan ururiska hubka saanadda iyo ciidamadii loo dirilahaa labada aag ee cadowgu uu haysto waa Kismaanyo iyo Afgooyo è waxaana wararku ay sheegeyaan in ciidamadan laga soo uruurinayo dhamaan deegaamada miyi iyo magaalo gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyadoo sida la sheegayo tookadan doorka ugu badan ee dagaalkan hurmuud ka yihiin walaalaha Reer Digil walow aan loo kala hareynin.
Horimihii ciidan qaranka Raxanweyn ugu horeeyey ayaa qoristooda laga bilaabay gobolka SHabeellaha Hoose iyo Baay waxaana saraakiisha oo aan la dooneyn in qorshaha milatari la kashifo ay inoo sheegeen in baro cayiman oo qiddad milatari ah la isugu geyn doonno ciidamada hadba sida hogaanka sare uu usoo jeediyo hawlwadeenada dagaalka tanina waxaa ay mar kale muujineysaa dagaalka ka soo bidhaamaya geyiga Soomaaliya.
Gobollada Koonfur Galbeed shacabka dagan Illaah ka sokow waxaa talada kama dambeyska ah ay ka go’daa malaaqyada waxaana dadka indha indheeya umuuraha Soomaaliya ay sheegeyaan mar haddii Raxanweyn malaaqyadeeda ay isku raaceen in ay dagaal wada galaan wax harey aanu jirin ee aan dhawaqa xabbadda ka ahayn waxaanu quburadu ay intaa ku darayaan Raxanweyn oo xarbi gashaa aduunyo ma xamaneyso.
Idale News Online, Baydhabo