Baydhabo(Idalenews.com)-Malaaq Deerow oo ka mid ah malaaqyada Koonfur Galbeed Somaliya oo la hadley warbaahinta ayaa shegay in Shirka uu Galay Marxaladdii ugu danbeysay ee lagu dhisayo Maamulka Gobolada Koofur Galbeed ee Dalka Soomaalia,Sido kalena uu Bilowday Akhrinta Dasturka Koonfur Galbed Wajigiisa Kowaad.
Malaaq Deerow ayaa shegay in Lix Gobol loo samaynayo Maamulka isla markasna 3 gobol Wax la yirahdo aysan Jirin,Madaxweynaha ayuu shegay in loo bahan yahay in uu Tageero shirka.
shacabka koonfur galbeed soomaaliya ayaa doonaya in ay dhistaan maamul ka koo badn lix gobol oo kala ah: Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool, Gedo Iyo labada jubbo. halka madaxda dalka ay dooneyaan in maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya uu ka kooba naado 3 gobol.
siyaasiyiin iyo malaaqyo ayaa horboodaya dhisida maamulka , dhawaan ayay ahayd ka dib markii madaxweyne Xasan sheekh uu si cad u sheegey in aan la dhisi karin 6 gobol, balse uu sheegey gobolada aan maamulka lahayn ay sameystaan maamulk.
Idale News Online, Baydhaba.