Magaalada Baydhabo Oo Tirada Haweenka Ilmaha Lagu Qalo Oo Kordheysa

0
194

Baydhabo(INO)- Haweenkan oo loo soo qaado isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa badankood laga keenaa deegaannada miyiga ah iyo tuulooyinka gobolka Bay. Bilowgii sanadkan ilaa hadda 32 haween ah oo 29 ka mid ah tuulooyinka laga keenay ayaa ku dhintay gudaha isbitaalka oo qalliin lagu sameeyay sida uu sheegayo Dr. Aadan Cabduqaadir Nuur oo ka mid ah dhaqaatiirta qalliinka sameeyeay. “Sanadkii hore 41 haween oo ka yimid miyiga iyo tuulooyinka ayaa dhintay, qaarkood ayaga oo qalliinka loo diyaarinayo ayey dhinteen .” Ayuu yiri dhaqtar Aadan.

Xabiibo Cabdiqaadir Yarow waa 31 sano jir, waxaa laga keenay deegaanka Caasho-gabo oo Baydhabo u jirta 18 km, waxaa lagu soo qaaday gaari bajaaj ah oo soo maray waddo burbursan, waxayna isbitaalka Baydhabo u jiifaa qalliin canug meyd ah looga soo saarey.

“Xilligaas xaaladdeydu waxay ahayd mid halis ah oo afar malamood ayaan foolanayey oo umuliso dhaqameed ay ila joogtay, kadib markii waxba la iga qaban waayey ayaa maalintii shanaad la igu soo qaaday gaari bajaaj 20 doollar igu keenay isbitaalka magaalada  Baydhabo.” Ayey tiri Xabiibo. Waxay hore u dhashay saddex carruur ah oo aan lagu soo qalin.

Saddexdii bilood ee u dambeysay ayaa sida dhakhtarku sheegayo tirada haweenka miyiga laga keenay ee qalliinka lagu sameeyey waxay gaarayaan 18, 9 ka tirsan tiradaas waxaa laga soo saaray ilmo meyd ah, halka 9 kalena ay dhinteen intii qalliinka lagu sameynayay.

Dr Aadan ayaa Ergo u sheegay in dhimashada hooyooyinka uurka leh ay sababaan waxyaabo dhawr ah ah sida dhaqaalo-xumida, baabuurka gargaarka degdegga ah oo deegaannada miyiga ah aysan lahayn iyo haweenka oo fooshu ay ku daahdo.

Nuurto Aadan Maxamed waa 20 sano jir, waa markii labaad oo qalliin lagu sameeyo, cunuggeedii hore waxay foolatay ayada oo joogta degmada Diinsoor balse maalmo kaddib markii umulisooyinka ay wax u qaban waayeen loo qaaday magaalada Muqdisho laakiin intii ay waddada ku sii jirtay ayuu ilmihii ku mayday caloosheeda. “Xilligaas kaddib waxaan go`aansaday in aan dego meel cisbitaal u dhaw oo duleedka Baydhabo ah, markaan xanuunka foosha dareemay ayaan imid isbitaalka.” Ayey tiri.

Ugu dambeyntii, Dhaqtar Aadan ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay haweenka oo dhakhtar aan la kulmeynin xilliga uurka ay yihiin oo aan is dhaheynin xaalad kale ayaad la kulmi kartaan,tuulooyinka oo aan laheynba xarumo caafimad, meelaha qaar oo aan  umuliso laga helin ayaa sabab u ah inay tirada badato