Muqdisho(INO)- Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin wax ay kala socdaan heshiiska Dekeda Berbera, oo ay wada gaareen Somaliland iyo Emirate-ka Carabta.
5-tii bishan, ayay labada dhinac heshiiskaasi ku wada gaareen Magaalada Dubai, waxaana Somaliland u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sacad Cali Shire, halka dhinaca Emirate-ka Carabta uu u saxiixay Agaasimaha Shirkadda DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem. DP World ayaa aqbashay inay maalgelin ku samayso Dekeda Berbera.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa sheegay inaysan Somaliland iyo Emirate-ka Carabta midna ka soo talla-gelin heshiiska, ay ku wada gaareen magaalada ganacsiga caanka ku ah.
“Anaga waxba kalama socono, mana ogin jiho rasmi ah. Maamulka Somaliland ama Dowladda Emirate-ka Carabta mid nagala soo xiriirtay, oo arrintaa nagala hadashay majirto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Madaxweynaha oo la hadlay Bulshotv, ayaa hoosta ka xariiqay in Dekeda Berbera ay tahay deked Somaliyeed, isla-markaana ay taageersan yihiin wixii horumarin ah ee lagu samaynayo.
“Dekeda Berbera waa deked Somaliyeed, Qaranka iyo umadda Somaliyeed oo dhan baa leh, waxaan leenahay wixii horumar ah oo dadka deegaankaasi iyo Waqooyiga Somaliya degan, oo ay gaarayan anagu raaliyaa ka nahay. Wixii aan ku kordhin karno inaan ku kordhinaa rabnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu intaa raaciyay “Laakiin waxyaabaha Somaliya ka wada dhaxeeya, si Somaliya ay wada ogtahay in loo meelmariyo oo heshiis looga gaaraa rabnaa.”