Madaxweynihii Maamulka Khaatumo oo isu soo taagay inuu u tartarmo Madaxweyne ku xigeenka Puntland

0
241

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ugu danbeyntii aha Madaxweynayaashii kaltanka aha ee maamulka Khaatumo ayaa maanta sheegey in uu u sharaxan yahay xilka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

AxmedKaraash

Xafladda uu uga dhawaaqey Axmed Kraash in uu yahay Musharax waxaa ka soo qaybgalay siyaasiyiin iyo tageerayaashiisa, waxaana uu ballan qaadey in u arrimaha SSC wax ka beddeli doono haddii loo doorto Madaxweyne kuxigeen.

Axmed Karaash ayaa tdfobaadkii hore lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe isaga oo weli sheeganaya in uu yahay Madaxweynaha maamulka Khaatumo State, kaas oo tiirarka uu ku taagnaa ay ka mid ahayd in uu ka madaxbanaan yahay Puntland iyo Somaliland. Axmed Karaash oo ka mid ahaa Golihii Wasiirada ee u horeeyey ee uu soo dhisey Dr.Faroole ayaa sheegey in uu ku maqnaa Halgan uu ku soo guuleystey.

Dhanka kale waxaa isla maanta isaguna isu sharaxay Madaxweyne kuxigeen Wasiirkii Qorsheynta ee Xukuumadda xilkeedi dhamaadka yahay Maxamuud Caydiid Dirir oo isaguna ah siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool. Madaxweyne Faroole oo la sheegey in maalintii shalay uu ku guuldaraystey in uu Baarlamaanka u dhiibo Guddoomiye uu tageerayo, ayaa hadda soo kiciyey siyaasiyiin badan oo uu is leeyahay codka SSC ayey kala jejebin karaan.

Wararka Garoowe yaala ayaa sheegaya in Madaxweynaha xilku ka dhamaanayo Dr.Faroole uu dhabarka u jeediyey Madaxweyne ku-xigeenkiisa Gen.Cabdisamad Cali Shire isla markaana door bidaayo Ticket-ka isaga iyo Karaash.

Gen.Cabdisamad oo galaangal siyaasadeed oo aan yarayn leh ayaa hadda bilabey xiriir in uu la sameeyo Musharixiinta ugu cadcad si uu ugu soo jiido karo codadka uu heli karo.