Madaxweynihii la afgambiyey ee dalka Masar Max’ed Mursi oo Maxkamad la hor keeney

0
215

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa sheegtay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalka Masar kadib markii afar bilood kadib meel fagaare ah lagu arkay isagoo la soo hortaagay maxkamad.

Maxamed Morsi oo 62 jir ah ayaa waxaa lagu keenay akadeemiyada booliska magaalada Qaahira Helikabtar isagoo kadibna bas yar lagu gaarsiiyay halka ay ka dhacaysay dhagaysiga maxkamada qaadeysay dacwadiisa.

Morsi ayaa diiday sharci ahaanta maxkamada qaadeysay dhagaysiga, waxana uu sheegay kuwii afgambiyay inay tahay in maxkamad la soo taago.

Maxkamada ayaa waxaa dib loogu dhigay illaa iyo 8da bisha Janaayo ee 2014 waxaana Morsi maxkamada lala soo taagay 14 kale oo dhammaantood ka tirsan xisbiga Akhwaanka.

_mursi_maxkamad_6
Madaxweynihii ugu horeeyay ee si xor ah loo doorto dalka Masar ayaa tan iyo bishii July 3deedii waxaa lagu hayay meel aan la ogeyn kadib markii milatariga afgambiyeen. Morsi ayaa muuqaalkiisu uu wanaagsanaa waxana uu xirnaa jaakad aan tie ama garabaati lahayn. Waxana uu diiday in uu xirto dharka dadka la maxkamadeynayo ay xirtaan isagoo ku dooday inuu yahay madaxweyne si sharci ah loo soo doortay.

‘Waa afgambi milatari kuwaasoo hogaamiyaashooda ay tahay in maxkamad la soo taago sida uu qabo dastuurka,’ayuu maxkamada u sheegay Morsi.

‘Waxaan ahay madaxweynaha Jamhuuriyada halkana raaligeyga kuma joogo,’ayuu yiri. ‘Waxa halkan ka dhacaya waa qiiq isku qariska afgambiga milatari,’ayuu yiri Morsi iyadoo asxaabtiisana ay ku dhowaaqayeen ‘Ha dhaco, Ha dhaco, Ha dhaco afgambiga milatariga.

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la xiray dhammaan wadooyinka soo gala halka ay dhagaysiga maxkamada ka socotay.