Madaxweynihii hore ee dalka Iran Cali Akbar Rafsanjani oo geeriyooday

0
230

Tahran(INO)—Madaxweynihii hore ee dalka Iran Cali Akbar Hashimi Rafsanjani ayaa ku geeriyooday caasunada dalka Iran kadib markii uu wadnuhu istaagay.

Rafsanjani oo ahaa 82 sano jir ayaa waxa uu ahaa Madaxweyne caan ka noqday dunida xilligii uu madaxda ka ahaa dalka Iran ee Sideetameeyadii.

Cali Akbar ayaa ahaa Madaxweyne intii u dhexeysay 1989-1997 hase yeeshee waxaa doorasho ka dhacday dalka Iran uu ugaga adkaaday Maxmuud Axmednijad sanadkii 2005.

Rafsanjani ayaa waxa uu ahaa haatan Madaxa Guddiga Xalliya khilaafaadka u dhexeeya Baarlamaanka iyo Golaha Hogaaminta dalka Iran.