Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xaley daaha ka rogay Ololihiisa Doorasho

0
165

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, mar kalena u taagan doorashada Madaxweynaha ee October ayaa Xaley daaha ka rogaya Ololihiisa doorashada, iyadoo Munaasabad lagu soo bandhigayo afartii sano waxqabadkiisa ay ka socoto Hotelka City Palace.

Munaasabada oo ah mid ballaaran ayaa waxaa maal gelinaya Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka.

Waxaa munaasabada lagu soo bandhigay sawiro kala duwan oo ku aadan safaradii Madaxweynaha ku tagay dalalka dibada, halku dhigyo lagu muujinayo in mar kale uu xukunka qabto iyo sawiradii Shir madaxeedka IGAD ee dhowaan ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigaya munaasabada ololaha doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Film Documentry soconaya muddo 60 daqiiqo, kaasoo ka hadlaya waxqabadka afarta sano.

Ololaha Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya maadaama uu bilowday, waxaa haboon in Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) oo ah mid ku shaqeeya hantida qaranka inuu noqdo mid u furan dhammaan musharixiinta u loolameysa xilka Madaxtinimo , si musharax kasta u soo bandhigo hindisayaasha uu hayo oo isbadal la taaban kara sameyn kara .

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa lagu wadaa inuu gaba gabada Xaflada uu jeediyo khudbad uu uga hadlayo waxqabadkiisii afarta sano iyo dadaalka uu ugu jiro in mar kale dib loo doorto.

Waxaa lagu wadaa inuu mar kale soo bandhigo qorshihiisa Manafesto, iyadoo la xusuusto lixdii Tiir ee uu horay Madaxweynaha u soo bandhigay markii uu isku soo sharaxay doorashadii 2012, waxaase dadka dhaliila siyaasadiisa ay sheegayaan in aanay qaarkood waxba ka hirgelin, taasoo ugu weyn amniga oo uu muhiimad gaar ah siiyay.

Si kastaba ha ahaatee dadka dhaliila siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya is bedel dalka ka dhaca, maadaama ay aaminsan yihiin in wax badan oo rajo laga qabay in marka la doortay in la qaban doono ay noqdeen kuwo aan mira dhalin, hase ahaatee dadka taageersan dowladda hada jirta ayaa iyana qaba in wax badan laga qabtay tiirarkii lixda ahaa ee uu Madaxweynuhu iclaamiyay.

sawir-1xasan-sanadguuro