Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah Kampala kula qaatey dhigiisa Uganda Musevani

0
215

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay kulan dheer la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kampala ayaa labada madaxweyne waxey ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kulanka ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Fowzia Haji Yusuf Adam, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Farah Abdulkadir, Safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha AMISOM, shirka maanta ka furmaya Kampala oo ay madaxda dowladaha ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya ay isagu imanayaan iyo guud ahaan arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Museveni sidii diiraneed ee loogu soo dhoweeyey Kampala iyo qabanqaabada shirkan muhiimka u ah Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa warbixin kooban ka siiyey dhigiisa Uganda horumarka baaxadda leh ee ay dowladdu ku tallaabsatay 11kii bilood ee la soo dhaafay, kana codsaday Museveni sidii ciidanka Soomaaliyeed loogu heli lahaa tasiilaadkii ay u baahnaayeen si ay ugu sahlanaato inay amniga dalka hantaan.

Madaxweynaha ayaa maanta khudbad ka jeedin doono shirka oo uu uga mahadcelinayo waddamada ciidamada u soo direy Soomaaliya oo dhiigooda iyo maalkooda u huray sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd dal nabad ah.

Waxaa uu ka warbixin doonaa horumarka ballaaran oo ay dowladdu ku tallaabsatay gaar ahaan dhanka dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, tababaradda joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya, iyo dib u habeynta socota ee hay’adaha amniga.

Shirka maanta ka furmaya magaalada Kampala ayaa waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha Uganda, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Kenya, Sierra Leone, Brundi oo uu wehliyo Madaxweynaha Soomaaliya.