Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Sii Jeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya

0
232

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta u ambabaxo magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, kadib markii uu caasumaad rasmi ah uu ka helay boqorka Sacuudiga.

Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonta labo cisho ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Maaliyadda, Warfaafinta iyo xubno kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Boqorka Sacuudiga ayaa ka wada hadli doona arrimaha xiriirka labada dal, iskaashiga dhanka amniga, dhaqaalaha iyo xaalada dalka Yemen.

Sacuudiga ayaa hogaaminaya Isbaheysiga Carbeed ee dagaalka kula jira Mucaaradka Xuutiyiinta, waxaana Sacuudiga uu taageero u raadinayaa dagaalkiisa Yemen.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa dalkiisa ku casuumay Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay ammaanka Geeska Afrika.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here