Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Fiirsanaayo Dalab Kaga Imaaday AMISOM

0
241

Muqdisho(INO)-Wararka naga soo gaarayo dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka fiirsanaayo dalab kaga imaaday Taliska guud ee Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Taliska ayaa Madaxweynaha ka dalbaday inuu ogolaado in muddo 30 Cisho gudaheeda loo fasaxo inay qaadan dagaal ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka dhacaayo gabi ahaan Gobolada dalka Somalia.

Dalabkaani oo ahaa mid ku qoran warqad soo gaartay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay AMISOM ku cadaadineyso qaadida weeraro saf ah oo ka dhaca Gobolada ay Maleeshiyadu ka dhigtaan gabaad, balse kaliya AMISOM xiligaani ay u xayiran tahay amarka Madaxweynaha Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa weli wax jawaab ah ka bixin dalabkaasi lagu doonaayo in Al-shabaab looga sifeeyo Gobalada ay kaga harsan yihiin Somalia ka hor inta aan la gaarin doorashada la filaayo indhawaan ay ka dhacdo dalka Somalia.

Dalabkaani ayaa imaanayo xili Maleeshiyaadka Al-shabaab mudooyinkaani dambe weeraro gaadmo ah ku qaadan Fariisimaha ay ku sugan yihiin Ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM.

Waxaan la xaqiijin karin go’aanka uu qaadan doono Madaxweyne Xassan Sheekh, bacdamaa dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah oo ay DF Somalia u diyaar garoobeyso doorashada.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here